XirfadHaye β garabka tababarka ee ShaqoHaye
Waxaan dhalinyarada Soomaaliyeed ku barnaa xirfadaha suuqa shaqada dunida looga baahan yahay β Af-Soomaali, online, qiimo jaban β kadibna waxaan ku xirnaa shaqo-bixiyeyaasha iyada oo loo marayo ShaqoHaye Employment Agency.
- 7Koorsooyin
- 271+Casharro
- 3Macallimiin
- 36K+Bulshada ShaqoHaye
Aqoon lagu shaqeysto, ma aha aqoon keliya.
Koorso kasta waxaa loo dhisay inay kuu horseeddo shaqo ama dakhli: casharro gaagaaban oo video ah, layliyo dhab ah, iyo shahaado aad ku muujin karto profile-kaaga ShaqoHaye.
Waxaan rumeysan nahay in xirfadda, ma aha meesha aad joogto, ay go'aamiso mustaqbalkaaga.
Saddex tiir oo aan ku dhisannahay
Af-Soomaali, heer caalami
Xirfadaha AI, IT, design iyo ganacsiga oo si fudud loogu sharxay afkaaga hooyo.
Tayo la hubiyay
Koorso kasta oo macallin soo geliyo waxaa dib u eegaya kooxdeena kahor inta aan la sii deyn.
Waddo shaqo
Ardayda ugu fiican waxaa la soo bandhigaa ShaqoHaye β shaqooyin, freelancing iyo adeegyo.
Macallin noqo β dhig koorsadaada, hel dakhli.
Haddii aad leedahay xirfad, la wadaag kumanaan arday oo Soomaali ah. Waxaad heleysaa dashboard muujinaya iibka, ardayda, su'aalaha tooska ah iyo qiimeynta xiddigaha.
- Is-diiwaangeliDooro "macallin" marka aad account samaynayso.
- Soo geli koorsada oo dhanCasharro, video, quiz β hal meel.
- Dib-u-eegisKooxda XirfadHaye ayaa hubisa tayada.
- La sii daayoArdaydu way iibsadaan, adiguna waad la socotaa.
- Noqo Macallin Xiddig βQiimeyn sare = bandhig dheeraad ah.
