Skip to main content

www.xirfadhaye.com

πŸŽ“ Ku baro xirfadaha casriga ah Af-Soomaali β€” waqti kasta, meel kasta.Eeg koorsooyinka
Nagu Saabsan

XirfadHaye β€” garabka tababarka ee ShaqoHaye

Waxaan dhalinyarada Soomaaliyeed ku barnaa xirfadaha suuqa shaqada dunida looga baahan yahay β€” Af-Soomaali, online, qiimo jaban β€” kadibna waxaan ku xirnaa shaqo-bixiyeyaasha iyada oo loo marayo ShaqoHaye Employment Agency.

  • 7Koorsooyin
  • 271+Casharro
  • 3Macallimiin
  • 36K+Bulshada ShaqoHaye
Ujeeddadeena

Aqoon lagu shaqeysto, ma aha aqoon keliya.

Koorso kasta waxaa loo dhisay inay kuu horseeddo shaqo ama dakhli: casharro gaagaaban oo video ah, layliyo dhab ah, iyo shahaado aad ku muujin karto profile-kaaga ShaqoHaye.

Waxaan rumeysan nahay in xirfadda, ma aha meesha aad joogto, ay go'aamiso mustaqbalkaaga.

BaroXirfadHaye
ShahaadoXaqiijin
Profile xirfadleShaqoHaye
Shaqo & macaamiilShaqooyin Β· Shaqeyso
Waxa naga duwan

Saddex tiir oo aan ku dhisannahay

Af-Soomaali, heer caalami

Xirfadaha AI, IT, design iyo ganacsiga oo si fudud loogu sharxay afkaaga hooyo.

Tayo la hubiyay

Koorso kasta oo macallin soo geliyo waxaa dib u eegaya kooxdeena kahor inta aan la sii deyn.

Waddo shaqo

Ardayda ugu fiican waxaa la soo bandhigaa ShaqoHaye β€” shaqooyin, freelancing iyo adeegyo.

Macallimiinta

Macallin noqo β€” dhig koorsadaada, hel dakhli.

Haddii aad leedahay xirfad, la wadaag kumanaan arday oo Soomaali ah. Waxaad heleysaa dashboard muujinaya iibka, ardayda, su'aalaha tooska ah iyo qiimeynta xiddigaha.

  1. Is-diiwaangeliDooro "macallin" marka aad account samaynayso.
  2. Soo geli koorsada oo dhanCasharro, video, quiz β€” hal meel.
  3. Dib-u-eegisKooxda XirfadHaye ayaa hubisa tayada.
  4. La sii daayoArdaydu way iibsadaan, adiguna waad la socotaa.
  5. Noqo Macallin Xiddig ⭐Qiimeyn sare = bandhig dheeraad ah.

Su'aal ma qabtaa?

Kooxdeena ayaa diyaar u ah inay ku caawiso.