Skip to main content

www.xirfadhaye.com

πŸŽ“ Ku baro xirfadaha casriga ah Af-Soomaali β€” waqti kasta, meel kasta.Eeg koorsooyinka
Category
Instructor
Mukhtaar Dubad
0
0 reviews

Baro Maalgashiga Crypto

Course details
Lectures 12
Level Intermediate

Archive

baro-maalgashiga-crypto.png
  • Description
  • Curriculum
  • Reviews

Baro Maalgashiga Crypto Heer Sare

Ma rabtaa inaad si qoto dheer u fahanto suuqa crypto, ogaato fursadaha swing trading-ka, isla markaana dhisato portfolio maalgashi oo qorshaysan? Crypto Skills waa koorso loogu talagalay dadka doonaya inay ka gudbaan aqoonta aasaasiga ah una gudbaan falanqayn suuq, maalgashi qorshaysan iyo fahamka dhaqdhaqaaqa qiimaha.

πŸ“š Waxa aad koorsadan ku baran doonto

Qaybta 1: Basic Crypto

  • Fahamka Bitcoin, Altcoins iyo Blockchain.
  • Sida suuqa crypto u shaqeeyo.
  • Fahamka market cap, liquidity iyo volume.
  • Sida loo baaro coins-ka ka hor intaadan maalgashan.

Qaybta 2: Investment Portfolio

  • Sida loo dhiso loona maareeyo crypto portfolio.
  • Sida loo kala qaybiyo raasamaalkaaga.
  • Sida loo qorsheeyo entry, target iyo stop-loss.
  • Sida loo fahmo risk management iyo fursadaha swing trading-ka.
  • Barashada 20–40 coin oo firfircoon oo loo isticmaali karo cilmi-baarista fursadaha suuqa iyo swing trading-ka.

Qaybta 3: Smart Money Concepts (SMC) — Heer Sare

  • Fahamka sida loo falanqeeyo dhaqdhaqaaqa qiimaha.
  • Market Structure iyo isbeddelka jihada suuqa.
  • Liquidity, Order Blocks iyo Fair Value Gaps (FVG).
  • Sida loo aqoonsado meelaha suurtagalka ah ee entry-ga.
  • Sida fikradaha SMC loogu adeegsado falanqaynta fursadaha suuqa.

πŸ“ˆ Aqoontaadu kuma koobnaan doonto Crypto

Waxa aad sidoo kale baran kartaa sida fikradaha falanqaynta suuqa loogu dabaqo Stocks Market, si aad u ballaadhiso aqoontaada suuqyada maaliyadeed.

πŸ’Ž Maxaa Crypto Skills ka dhigaya mid mudan in la barto?

Waxaan wakhti iyo dadaal badan geliyey diyaarinta koorsadan, anigoo diiradda saaray tayada casharrada, faham qoto dheer iyo aqoon aad ku dabaqi karto falanqayntaada suuqa. Ujeeddadu ma aha inaad kaliya barato coins ama signals; waa inaad fahanto sababta qiimuhu u dhaqaaqo, sida fursadaha loo qiimeeyo iyo sida khatarta loo maareeyo. Haddii aad diyaar u tahay inaad aqoontaada kor u qaaddo oo aad suuqa u wajahdo qorshe iyo faham, Crypto Skills waa meesha aad ka bilaabi karto. 🎯 Bilow barashadaada maanta — faham suuqa, qorshee maalgashigaaga, horumari xirfadahaaga. Ogow: Crypto iyo stocks waxay leeyihiin khatar maaliyadeed. Faa’iido lama hubo, waxbarashaduna ma dammaanad qaaddo natiijooyin gaar ah.

Bones